Midowga Afrika oo ergay cusub u soo magacaabay soomaaliya, isagoo iftiimiyay magacaabista Guddoomiyaha guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki, oo loo magacaabay danjire Mohamed Al-Amin Soueif inuu noqdo wakiilkiisa gaarka ah ee Soomaaliya iyo madaxa howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, iyadoo la odhankaro waxaynu talaabo u qaadnay xaga horumarka waayo waxaynu isku xirnay afrika iyo soomaaliya.
Isagoo hoosta ka xariiqaya waajibaadka ergayga cusub, Soueif, ee ah inuu raadiyo amniga, nabadda iyo dib u heshiisiinta dalka iyo inuu la shaqeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dhinacyada ay khuseyso Soomaaliya, marka laga soo tago fulinta qorshaha kala guurka ee Soomaaliya iyo geeddi socodka dhismaha dowladnimada Soomaaliya, waa muhiim in aynu soo celino sharaftii soomaaliya kulahaan jirtay midowga afrika wakhtiyadii hore.
Isagoo iftiimiyay in ergayga cusub, Soueif, uu khibrad weyn u leeyahay ka shaqaynta Midowga Afrika iyo hay'adaha kale ee caalamiga ah sida Qaramada Midoobay, sikastaba ha ahaatee waa muhiim inaynu wakiil kuyeelano ururka afrika iyadoo ay hada uun bilow tahay dhismaha xukuumada cusub ee soomaaliya ayaa hadana ay gaartay inay xiriir fiican lasamayso ururka midowga afrika oo hada danjire usoo magacaabay soomaaliya.
Waxa uu carabka ku dhuftay in uu si dhow ula shaqeyn doono Urur Goboleedka IGAD iyo Saaxiibada Caalamka sida Qaramada Midoobay (UN), Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNSOM) iyo Midowga Yurub, intaas waxaa dheer oo laga rabaa inuu kashaqeeyo arimaha isku xirka soomaaliya iyo ururka afrika, taas oo hada loosoo magacaabay shaqadiisana laga sugaayo sidii uu uqabsan lahaa.
0 Comments