Ciidamada xooga dalka soomaaliyeed ayaa kahor tegay weeraro ay alshabaab qorshay inay kusoo qaado shacabka soomaaliyeed iyagoo miinooyin badan ku aasay deegaanada ay degan yihiin dad shacab ah sida kaymaha iyo agagaarka beerahooda, ciidanka ayaa dagaal kuqaaday isla markiiba guulo waa wayna kagaaray iyagoo kaqabsaday degaano ay hore uga talin jireen ururka argagixisada ah ee alshabaab.
Waxaa kago,an ciidanka xooga dalka soomaaliyeed inay sii wadi doonaan dagaal ay kula dagaalamayaan alshabaab ilaa ay dalka kasifaynayaan, xukuumada madaxwayne xasan sheekh aayaa taargatkeeda ugu wayn ama ujeedadeeda kowaad tahay inay ladagaalanto alshabaab, saraakiisha ciidanka qalabka sida ee soomaaliya ayaa dhamaantood qabo amar ah in lala dagaalamo alshabaab si shacabka soomaaliyeed u helaan xasilooni buuxda.
Saraakiisha uga saraysa ciidanka xooga dalka soomaaliyeed ayaa amar lagu siiyeey inay joogteeyaan ciidanku dagaalka kadhanka ah ururka alshabaab, iyadoo xuukmada xasan sheekh wax qabadkeeda koowaad kadhigtay la dagaalanka argagixisada qasaysa amaanka dalka ee laynaya shacabka soomaaliyeed, ciidanka ayaa maalinba maalinta kadambaysa kaqabsada goobo iyo deegaano cusub alshabaab.
0 Comments