Ra’iisul Wasaaraha ayaa kala hadlay wakiilka bankiga adduunka ee soomaaliya xoojinta wada shaqeynta iyo gurmadka, isagoo ka hadlayay kulanka ra’iisul wasaaraha soomaaliya hamza cabdi berre uu maanta la yeeshay Christina Svenson oo ah agaasimaha bankiga adduunka ee Soomaaliya, iyadoo la rabo in laxoojiyo dhaqaalaha baanka aduunku siiyo soomaaliya taas oo wakhtigan aad loogu baahanyahay.
Waxaa la sheegay in intii uu socday kulanka ay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta bangiga adduunka iyo dowladda Soomaaliya, iyadoo dib u eegis lagu sameeyay howlaha gargaarka iyo gargaarka dadka ay saameeyeen abaaraha, iyadoo ay sheegeen baanka aduunku inuu soomaaliya xoojin doonaan dhaqaalaha lagu taageerayo wakhtigan adag ee abaaraha darini jiraan, isagoo ra,iisal wasaarauhu kulan laqaatay lagaga wada hadlayey arimahaas.
Inaad iftiimiso warbixintii Christina ay u soo bandhigtay ra’iisul Wasaaraha warbixin ku saabsan howlaha kala duwan ee horumarineed ee bangiga adduunka ka wado Soomaaliya – gaar ahaan dadaalka iyo gargaarka bini’aadantinimo ee loogu gurmanayo dadka ay saameeyeen abaarihii ku dhuftay qeybo ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, iayadoo dedaal dheer loogu jiro sidii dadkaas loo gaarsiin lahaa gargaar joogto ah.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa ra’iisul wasaare hamza cabdi Berri uga mahadceliyey Bankiga adduunka taageerada uu la garab taagan yahay Soomaaliya, isagoo ku dhiirri geliyay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha dowliga ah si loo fuliyo qorshayaasha iyo barnaamijyada muhiimka ah ee dowladda, xukuumada soomaaliya ayaa dedaal ugu jirta sidii kor loogu qaadi lahaa dhaqaalaha wadanka si aynu ugu deberno masiibooyinka soo noq noqda badanaa.
0 Comments