Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo doonaya in uu la dagaalamo Argagixisada ra’iisul wasaaraha xukuummadda federaalka soomaaliya, mudane xamza cabdi berri oo ku sugan caasimadda dalka Tunisia ee Tunis, ayaa kulan la qaatay guddoomiyaha guddiga midowga afrika, muusa faki maxamed, iyagoo ka wada hadlay sidii la isaga kaashan lahaa la dagaalanka al-shabaab.
Waxa uu tilmaamay in kulanka looga hadlay xoojinta wada shaqeynta dowladda Soomaaliya iyo midowga afrika, gaar ahaan dhinacyada amniga, siyaasadda iyo la dagaalanka al-Shabaab, waxaa uu intaas kudaray ra,iisal wasaare xamse cabdi barre inay xukuumadiisu ay kago,antahay inay dagaal adag ku qaadaan ururka argagixisada ah ee alshabaab, isagoo sheegay in amniga shacabka soomaaliyeed muhiim yahay waajibna ay kutahay inay sugaan si buuxda.
Isagoo hoosta ka xariiqay dadaalka ra’iisul wasaaruhu uu ugu jiro sidii loo soo afjari lahaa joogitaanka al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda, oo hadda noqotay cudud khatarna ku ah Soomaaliya oo keliya, balse khatar ku ah dalalka deriska la ah, sidaa darteedna waxaa naga dhamaaday samirkii waxaanu hada alshabaab kala hortegaynaa dagaal aad u culus oo ay ciidanka qaranka soomaaliyeed kuqaadaan, isagoo sheegay in waajib kasaaran yahay shacabka soomaaliyeed amnigooda.
Si loo iftiimiyo in dawladda cusubi ay si dhab ah u raadinayso joojinta argagixisada oo ay ku faafiso amniga iyo badbaadada dalka hooyo, taas oo aanu xooga saari doono inaanu sugno amaanka shacabka soomaalieed, waxa kale oo ra,iisal wasaaruhu sheegay inay lagama maar maan tahay dagaal joogto ah oo ay xukuumadiisu kula dirirto alshabaab habeen iyo maalin waayo looma dulqaadan karo waxa ay shacabka ugaysanayaan.

0 Comments