Dalka imaaraatka ayaa mucaawino usodiray maanta markab ah shacabka abaaruhu heleen.

markab gargaar oo gaaray soomaaliya.

Bilawga qaybinta deeqaha Imaaraatka Carabta ee lagu taageerayo dadka ay abaaruhu saameeyeen ee Soomaaliya, Waxaa xusid mudan in hay’adaha samofalka ee Imaaraatka Carabta oo kaashanaya hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliyeed iyo hay’adaha ay khuseyso ay bilaabeen in ay gargaar gaarsiiyaan dadka iyo barakacayaasha deegaannadii ay ku sugnaayeen iyo xeryihii ay ku noolaayeen oo ah meelaha ay abaaruhu sida weyn u saameeyeen gobollada dalka, degmada Maxaas iyo matabaan oo ka tirsan gobolka hiiraan ee gobolka hiiraan.



Waxa uu carabka ku dhuftay in qeybinta deeqdani ay bilaabatay isla markii uu soo gaaray Markab laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta oo siday in ka badan 1,000 oo tan oo isugu jira Raashin iyo Agab kala duwan, si loogu gurmado dad gaaraya 2.5 milyan oo qof oo ay abaaruhu saameeyeen. waxayna taageeraan xaaladahooda bini'aadantinimo, waxaa aynu odhankarnaa dalka imaaraatku waa saaxiibka keliya ee dalka soomaaliya waayo wuxuu inoosoo diraa gurmad joogto ah.


Isagoo iftiimiyay hadalkii Mudane Mohamed Ahmed Al-Othman, Safiirka Imaaraatka Carabta ee Soomaaliya, ee ahaa in deeqda Imaaraadka ay u soo direen iskaashi iyo isku dubarid dhex marta tiro ka mid ah deeq bixiyayaasha Imaaraatka, sida Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka, Zayed bin Sultan Al Nahyan Charritable and Humanitarian Mu'asasada, iyo Khalifa bin Zayed Humanitarian Foundation si ay u gaarsiiso nooc kasta oo kaalmo gargaar ah.


Si loo muujiyo in Imaaraadku uu gacan ka geysanayo caawinta bulshooyinka ay saameeyeen adduunka oo dhan iyada oo loo marayo gargaarka iyo barnaamijyada bini'aadantinimada iyo mashaariicda yareynaya dhibaatada bulshooyinkaas korna u qaadaya, waxaa loo muujiyey shacabka soomaaliyeed walalnimo buuxda taas oo uga timaada dalka imaaraatka carabta markasta iyagoo caawimo aan kala joogsi lahayn usoo dira.


.









Post a Comment

0 Comments