Hidaha iyo dhaqanka bulshada soomaaliyeed iyo fanka noocyadiisa kala duwan.

hidaha iyo dhaqanka.

 Dhaqanka Soomaalidu waa mid soo jireen ahaa mudo aad u dheer, kaasi oo saameyn badan ku leedahay dadka baaxaarida ah ee iskaga gooshi jirtey deegaano badan. Tusaale ahaan, cunto soomaalidu waxay salka ku heeysaa meelo badan oo caalamka ah; waxaana ku jira noocyo badan oo laga keenay wadanada jaarka ah sida carabta, bariga cnexe iyo meelo kale oo aasiya ah.


Sida caalamka qiray, dhaqanka Soomaalidu wuxuu qani ku yahay fanka iyo suugaanta. Samayska midhaha fanka ayaa ah mid aad u cajiib badan. Waxaanu fanku inta badan ka turjumaa nolosha iyo Waayaha Bulshada. Dhinaca kale heesaha Af Soomaaligu waa kuwo ka duwan caalamka dhan. Aslakooda waxay heesuhu u dhacaan hab jiidjiid isku xidhan ah. Dadka ajaanibka ah marka ugu horeeysa maqla heeso Soomaaliga waxay ku khaldaan kuwa ItoobiyaSuudaan ama Carabta, laakiin Waxaa markaaba lagu garan karaa laxanka iyo habka ay u dhacayso heesta. Heesaha Waxaa sameeya dhowr nooc oo dad ah, kuwaasi waxaa ka midah abwaankalaxanmiistahafanaanka.


Guud ahaan heesaha aan maanta naqaano ee af Soomaaliga lagu qaado waxay soo bilaabmeen 1930meeyihii. Taas macnaheedu ma ahan in dadka Soomaalida heesta aqoonin wixii ka horeeyay 1930kii, laakiin Waxaa wakhtigan bilaabmey heesaha leh muusigakabankadurmaankaturunbada iyo wixii la mid ah,heesaha la qaadi jiray ka soo biloow 1930meeyihii ilaa laga soo gaadho 1970kii waxaa sida guud loo yaqaanaa qaraami, halka kuwa wakhtiyadii 70aadki ka dambeyay isla markaana kaban loo garaacayo loo yaqaano qaaci.


Fanka Soomaalida waxaa ku jira noocyo badan, kuwaasi waxaa ugu caansan: qaraamigaqaaciga, jaaska, saarka, ruwaayada, majaajilada, filimaanta iyo wixii la halmaala. Waxa hubaal ah in qofkasta ku khalkhalayo farqiga qaaci iyo qaraami. Qaacigu waa nooc ka mid ah heesaha kuwaasi oo la qaado ayadoo (fanaanku) fadhiyo, loo garaaco sida badan kaban iyo sacab kali ah, laakiin qaarkood lagu daro durmaan ama narso iyo turunbo. Si taasi ka duwan, qaraamiga Waxaa la garaacaya noocyo badan oo qalabka muusig ah, fanaaniintu way taagan yihiin ciyaarayaan (isruxayaan) ama way fadhiyaan.

Post a Comment

0 Comments