Isagoo si weyn u cambaareeyay madaxweynaha soomaaliya, xasan sheekh maxamuud, weeraradii argagaxisada ahaa ee ay fuliyeen maleeshiyada al-Shabaab ee xiriirka la leh al-qaacidda, kuwaasoo lagu xasuuqay shacab Soomaaliyeed oo nolol maalmeedkooda u socday, isla markaana goob joog ka ahaa, deegaanka Afer Erdoud ee magaalada baledwayne ee dowlad goboleedka hirshabeele iyo akabar ee gobolka galgaduud ee dowlad goboleedka galmudug.
Isagoo si qoto dheer u iftiimiyey sida uu Madaxweynuhu u sheegay falalka argagaxisada ah ee cadawga argagixisadu ku hayaan dadka rayidka ah oo aan sal iyo raad ku lahayn waddaniyad iyo dhaqan suuban, waxayna tusaale u tahay cadaawadda ay u hayaan ummadda Soomaaliyeed, iyo sida ay caqabad ugu yihiin horumarka baaxadda leh ee dalka, waxaa naylooga baahan yahay in aynu dagaalka kutaageerno ciidanka qalabka sida ee dalka.
Isagoo ku nuux-nuux saday hadalkii madaxweyne xasan Sheekh maxamuud ee ahaa in fallaagada maleeshiyada Al-Shabaab aysan shacabka Soomaaliyeed u oggolaan inay ku noolaadaan nabad, xasillooni iyo amni, balse ay isku dayayaan cabsi gelinta iyo daadinta dhiigga shacabka, hantidooda iyo inay dhacaan. ceelashooda dumiyaan, isagoo hoosta ka xariiqay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay iska kaashanayaan sidii loo qaadi lahaa tallaabooyin degdeg ah oo wadajir ah oo lagu beegsanayo argagixisada Al-Shabaab si loogala xisaabtamo dembiyadii ay ka gaysteen dadkii rayidka ahaa ee lagu laayay gobolka Hiiraan iyo guud ahaan dalka.
0 Comments