Taariikhda magaalo xeebeeda caanka ah ee aadka u hormarsan berbera.

taariikhda berbera.
Berbera waa magaalo caan ah, oo aad u da wayn, sidda ay ku tilmaaman tahay buugaagta taariikhdda ee ay qoreen rag uu ka mid yahay Ibnu batuta. Waxa magaaladda dagan dad ku dhow ilaa iyo 223,000 oo qof qoyaastii, waana ay sii kordhaysaa tiradda dadku, jawiga magaalada aad ayuu u kulushahay, khaasatan xilliga xaggaga oo uu heerkulku gaaro illaa 45 degree.


Waxaa hoos u dhac ku yimid adeegsiga dekadda taas oo ay ka dambeysey xayiraadi Carabtu kusoo rogtey xoolihi Soomaalida sanadadii la soo dhaafay oo hada la furay. Shaqada ugu weyn ee hadda dekada kala wado waxaa wayn alaabta ugu soo degta dalka itoobiya kadib markii wadanka ereteriya ka go'day dalkaas, ka xidhayna xidhiidhka badacas, magaalada Berbera waa ilaha dhaqaale ee soomaaliland waxaa ku taal Dekadda ugu wayn Soomaaliland ee ay ka soo dagaan wax la quuto wadanka oo dhan waxaana ilaha uga wayn ee dhaqaaluhu ka soo galo dalka.



Waxaa ku nool magaalada berbera dadwayne shaqaale u badan waa magaalada kaliya ee aad odhan karto samayn kuma laha Shaqaalo la'aanta wadanka rakaadisay subaxnimada hore ee aroortii waxaad arkaysa dadbadan oo shaqo tagaya intooda badana ay ku sii qulqulayaa Dekada walow ay u badan yihiin muruqmaal ka xoogsada dekada,
Ardayda waxbarashada ku jiraa ma badan oo magaalada wax ay leedahah dugsiyo hoose/dhexe iyo secondry iyo jaamacada Golis oo ah Jaamacad priveta ah sidaas darteed.


waxaan odhan karnaa xaga waxbarashada dhaqdhaqaaq sidaas u badan ma jiro marka aan barbardhigno Magaalooyinka Borama,Hargaysa iyo Burco,mar aan Booqday Dekada oo ag ilaha Dhaqaale ee Wadanka wax ay indhahaygu qabnayeen sawiraduna, muujinayaa dekada oo aad u maqshuul ah shaqo xoog lehna ka socoto waxaa kale oo aan la sheekaystay qaar ka tirsan shaqaalaha Dekada waxayna ii sheegeen in uu fiican yahay dhaqaalaha Dekadu guud ahaan waxa kale oo intaas ku dareen in ay jiraan hoos u dhac xaga dhaqaale oo shaqaalaha saameeyey waqti uu kor u kacay dhaqaalaha dekadu taas ay ku sheegeen in mushaarka la kordhiyey aanay wali dhan dhamin hadii wax la kordhinayana ay iyagu xaq u leeyihin.

 

Post a Comment

0 Comments