safarka madaxwayne xasan sheekh maxamuud ee dalka masar.

safarka xasan sheekh

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo saddex arrimood oo muhiim ah kala hadlay Madaxweyne abdel Fattah El-Sisi, iyagoo kawada hadlay xiriirkii soo jireenka ahaa ee soomaaliya iyo masar madaxwaynaha soomaaliya ayaa soo celinaya cidkastoo soomaaliya xiriir fiican lalahaan jirtay berigii
hore isagoo sheegay in ay dalkeena inuu dawladaha caalamka la jaanqaadaa ay u muhiim tahay.


Soo dhaweynta Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa waxaa ka mid ahaa soo dhaweyn heer sare ah oo ay ka qeyb galeen Wasiirka Maaliyadda dalka Masar Maxamed maxamuud Moo’id iyo diblomaasiyiin iyo mas’uuliyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee Masar, madaxwayne xasan ayaa halkaas si aad u heer saraysa loogusoo dhaweeyey.


Isagoo hoosta ka xariiqay in Madaxweyne Xasan Sheekh maxamuud uu saddex arrimood kala hadli doono madaxweyne Sisi si loo xoojiyo xiriirka soo jireenka ah ee soomaaliya iyo Masar isagoo saddex arrimood iftiiminaya, isla markaana ku nuux-nuuxsaday in Xasan Sheekh Maxamuud uu doonayo inuu xaliyo dhammaan dhibaatooyinka soomaaliya, 1- Iskaashiga Dhaqaale iyo Diblomaasiyadeed ee labada dal. 2- La dagaalanka Argagixisada, 3- In dowladda masar ay soo celiso kaalintii ay ku lahayd horumarinta waxbarashada Soomaaliya.



Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Masar waxa uu kulan la qaadan doonaa guddoomiyaha Ururka Jaamacadaha Carabta Mudane Axmed abuu Al-qaacida oo ay ka wada hadli doonaan qorsheyaasha carabta ee ku aaddan midnimada iyo iskaashiga dalalka jaamacadda Carabta, oo dowladda Soomaaliya ay xubin muhiim ah ka tahay isagoo carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay doorka Masar iyo Carabta ee taageerada Soomaaliya dagaalka lagula jiro argagixisada iyo tababarida ciidamada Soomaaliya isagoo carabka ku adkeeyay in dowladaha Soomaaliya iyo Masar ay wadaagaan xiriir qoto dheer oo ku dhisan iskaashi dhaqaale, ganacsi, waxbarasho iyo iskaashi.

Post a Comment

0 Comments