Qaramada Midoobay oo loo gudbiyey qorsho hub lagu siinayo Soomaaliya.

codsiga somalia ee goloha amaanka
Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa loo gudbiyey qorshe hub lagu siinayo ciidamada dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa ATMIS kadib kulan dhex maray guddiga amniga iyo Nabadda ee midowga Africa iyo wakiilo ka socday Qaramada midoobay, guddoomiyaha guddigaas Cabdi Maxamud Haybe  ayaa tilmaamay in loo baahan yahay in Soomaaliya si deg deg ah looga qaado cuna-qabateynta dhanka hubka ama ugu yaraan laga yareeyo, si ay u hesho fursad ay hub kusoo iibsato si loo ciribtiro kooxda Al-Shabaab ee dagaalka kula jirta ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS.



Wada-hadalladii aan la yeelanay wakiilada Qaramada Midoobay iyo dhinacyada kale ee taageera Ciidanka Midowga Afrika waxaan u sheegnay in ay taageero hub ay siiyaan Ciidamada Soomaaiya iyo kuwa Midowga Afrika si ay u fuliyaan howlgallo ka dhan ah argagixisada go’doomisay meelo badan oo kamid ah dhulka Soomaaliya,” ayuu yiri Haybe, guddoomiye Haybe ayaa tilmaamay inay adag tahay in Al-Shabaab laga adkaado lagana saaro Soomaaliya inta ay ciidamada dowladda iyo kuwa ATMIS ku dagaalamayaan hub lamid ah kuwa ay heystaan Al-Shabaab.



Cabdi Maxamed Haybe ayaa hadalkiisa sii raaciyey soomaaliya waxaa saaran cuna-qabateyn hubka ah, si argagixisada looga saaro meelaha ay joogaan waxaa muhiim ah in la helo hub ka duwan kuwa ay heystaan, ugu yaraan waa in la fududeeyaa si ay u hesho hubka ay u baahan tahay, ninka aad la dagaalameysid haddii aad isku hub tihiin kama adkaaneysid oo waa ijiid aan ku jiidee balse sida kaliya ee looga adkaan karo waa in hub casri ah la helo.



Howlgalka ATMIS ayaa qorsheeyay in howlgalka qeybta labaad ee ciidanka Afrikaan ah ee laga baddelay magaca AMISOM in uu fuliyo si ciidamada Soomaalida loogu wareejiyo mas’uuliyadda amniga dalkooda balse ka hor waqtigaas la qaado guluf ka dhan ah Al-Shabaab, wakiilada ka socday qaramada Midoobay ee kulankaas ka qeybgalay ayaa sheegay inay codsigana hor geynayaan golaha isla markaasna ay rajeenayaan in Qaramada Midoobay ay dib u qiimeyn ku sameyso xaaladda amni ee Soomaaliya si cuna-qabateynta hubka looga qaado.




 

Post a Comment

0 Comments