Xasan Sheekh oo gaaray Arusha xilli ay sarreyso rajada Soomaaliya ee EAC.

safarka madaxwaynaha
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya, Xasan Sheekh maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray dalka Tansaaniya, halkaas oo ay si diiran ugu soo dhoweysay wasiirka Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga dalkaas marwo Ashuta kijaju iyo diblamaasiyiinta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalkaasi.



Madaxweyne Xasan ayaa ka qayb-geli doono shirka dalalka ku mideysan dalladda bulshada Bariga Afrika (EAC) kaasi oo ka dhacaya caasimada wadanka Tansaaniya ee arusha,
qoraal kooban oo kasoo baxay Villa Soomaaliya ayaa waxaa lagu faah-faahiyey ujeedka socdaalka madaxweynaha uu ku aaday dalka Tansaaniya, gaar ahaan dadaalkiisa ku qotoa in Soomaaliya ku biirto Dallada Bulshada Bariga Afrika ee magaceeda loo soo gaabiyo EAC.



Madaxweynaha ayaa ahmiyad weyn siinaya kor u qaadidda  dhaqaalaha dalkeenna iyo xoojinta in Soomaaliya ay wax badan ka dheefto iskaashiga dalladdan, taas oo shacabka Soomaaliyeed u saamaxaysa inay ka faa’idaystaan fursadaha dhaqaale ee ay abuuri karto ka mid noqoshada Bulshada Bariga Afrika (EAC),” ayaa lagu yiri qoraalka Villa Soomaaliya.



Dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaa ku mideysan 7 dal oo uu ka dhexeeyo hal baasaboor iyo suuq muhiim u ah gobolka, kuwaas oo kala ah; Jamhuuriyadda dimuqraadiga ah ee Kongo, Burundi, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudan, uganda iyo tansaaniya,dowladda federaalka Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxa ay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mira-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).





 

Post a Comment

0 Comments