Xasan Sheekh oo maanta u safraya dal uu taageero uga doonayo dadaal ay waddo DF.

safarada xasan sheekh maxamuud
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta oo KHamiis ah u amba-baxaya magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya, si uu taageero ugu raadiyo in soomaaliya ay ka mid noqoto dalalka ku bahoobay dalladda Bulshada bariga Afrika dalladdan waxaa dib loo aas-aasay sanadkii 2000, waxaana ku mideysan toddoba dal oo wadaaga suuq-ganacsiyeed ballaaran, kaasi oo muhiim ah u ah dhaqaalaha gobolka.


Dhaqaalaha wadajirka ah ee dalladda sanadkii waxaa lagu qiyaasaa in ka badan 300 oo bilyan oo dollarka Maraykanka ah, wadarta tirada dadweynaha ku nool dalalka ku bahoobay ururkaan, waxaa lagu qiyaasaa 312 oo Malyan, kuwaasi oo leh hal Baasaboor oo mideeya, dowladda Soomaaliya ayaa codsiga ka mid noqoshada dalladdan waxaay gudbisatay sanadkii 2016-kii, waxayna hadda xusul duub ugu jirtaa inay ka mira-dhaliso hadafkeeda ah inay ku biirto dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC).


Kamid noqoshada dalladda bulshada bariga afrika ee dalkeena ayaa shacabka  soomaaliyeed uga dhignaan doonta sidan soo socota, 1: fursad ganacsi iyo suuq wayn oo ay ka faa,iidaystaan, 2: badeecadda ay u iib geeyaan dalalkaas oo aan cashuur kale laga rabin, 3: isku socodka bulshada kumidaysan dalladda EAC iyagoo aan ubaahnayn dal kugal iyo helitaanka bassaportka bulshada geeska afrika.



Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa dedaalo badan ugu jira sidii dalkiisa ula jaan qaadi lahaa dawladaha caalamka iyo kuwa deriska, labadaba isagoo dhinac walba horumarin kawada xoogana saaraya dhaqaalaha iyo amniga wadanka taas oo la orankaro waxaa ladoortay xasan sheekh maxamuud wakhtigii ugu haboonayd.



 

Post a Comment

0 Comments