Madaxa NESA oo heshiis iskaashi la gaaray sirdoonka Kenya,isagoo iftiimiyay in booqashadii Madaxweyne Sheekh Maxamuud ee Kenya ay faa’iidooyin badan u soo kordhisay Soomaaliya iyo dadkeeda,Cadeynta in Mahad Salaad uu heshiis la gaaray sirdoonka Kenya si dib loogu bilaabo wada shaqeyntii amniga ee labada dal, muhiimada iskaashiga labada dal ayaa ah in alshabaab lala dagaalo waa taas sababta ugu wayn ee amniga la isaga kaashanayaa.
Ebrau waxa uu sheegay in sidoo kale heshiiska uu qeyb ka yahay in la is dhaafsado xogaha sirta ah, gaar ahaan dhaq-dhaqaaqa Al-shabaab ee u dhaxeeya labada dal, in la buunbuuniyo in heshiis laga gaaro sidii la isaga kaashan lahaa howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda labada dhinac ee xuduudka labada dal, waxaas oo guulo ah ayuu soo kordhiyey mudo yar gudeheed xasan sheekh maxamuud.
Madaxwaynaha soomaaliya mudane xasan sheekh maxamuud ayaa dardar geliyey dhamaan adeegyada
bulshada oo ay ugu horayso amniga isagoo dhawaan kasoo faeaxalan doono ururka alshabaab oo uu sheegay inaanay dalka meel dambe sii haysan doonin ee shacabka soomaaliyeedna aanay cashuur kasii qaadi doonin dambe, mudane xasan sheekh ayaa rajada uu shacabka soomaaliyeed geliyey ayaa aad u saraysa.
Taliyaha nabad sugida iyo amniga qaranka soomaaliya mudane mahad salaad ayaa heshiis laqaatay dhigiisa kenya oo uu sheegay inay kawada heshiiyeen iskaashiga iyo xog iswaydaarsiga cadawga labada dal oo ah ururka alshabaab oo ay sheegeen in si adag loola dagaalami doono sida uu hoosta kaxariiqay madaxaynaha dalku mudane xasan sheekh maxamuud oo sheegay inaanu sii eegan doonin ururkaas ee ay tahay wakhtigii lasoo cirib tirilahaa.
0 Comments