Maxaa kasoo baxay kulankii Xasan sheekh maxamuud iyo cabdifatax Al-Siisi?

xasan sheekh iyo siisi

 Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa maanta la kulmay dhiggiisa dalka Masar Mudane Cabdulfataax Al-siisi, iyagoo kawada hadlay waxyaabo badan ayaa waxaa kamid ahaa iskaashiga dhaqaalaha waxbarashada tabarada ciidanka iyo ladagaalanka argagixisada.


Madaxweynaha ayaa la wadaagay dhiggiisa dalka Masar mudnaanta ay dowladda Soomaaliya siinayso xiriirka taariikhiga ah ee ka dhexeeya Labada dal, isagoo tilmaamay in booqashadan ay sal-dhig u noqonayso dib u xoojinta iskaashiga diblumaasiyadeed, dhaqaale iyo wax wada-qabsi ee ay wadaagaan labada shacab ee walaalaha ah.


Xasan Sheekh, oo uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka masar marti-gelinta kumannaan arday Soomaaliyeed ah oo dalkaas u jooga waxbarasho, ayaa sheegay muhiimadda ay dowladda Soomaaliya u leedahay dib u soo celinta doorka dowladda Masar ay ka qaadato horumarinta waxbarashada dalka, dhismaha ciidamada iyo la-dagaallanka argagixisada.



Dhankiisa, Madaxweyne Cabdulfataax Al-siisi oo ugu hambalyeeyey Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dib u doorashadiisa ayaa ku bogaadiyey shacabka iyo Dowladda Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan dowlad dhiska iyo xasilinta dalkooda, waxa uuna sheegay in dowladda Masar ay si buuxda u garab taagan tahay xaqiijinta Soomaali heshiis ah, mideysan, xasillooni oo horumar ku tallaabsata.

Post a Comment

0 Comments