Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxa WFP oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Hormarineed iyo Gargarka Bani’aadantin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxa WFP oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Hormarineed iyo Gargarka Bani’aadantin

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo Madaxa WFP oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Iskaashiga Hormarineed iyo Gargarka Bani’aadantin


Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali, ayaa Sabtidii ku qaabilay magaalada Muqdisho Khadar Daloom, Agaasimaha guud ee Barnaamijka Cuntada Adduunka (WFP) ee Soomaaliya, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga iyo horumarinta barnaamijyada wadajirka ah ee horumarineed iyo bini’aadantinimo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta wasaaradda, ayaa labada mas’uul ay diiradda saareen sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dowladda iyo hay’adda WFP si kor loogu qaado dadaallada lagu taageerayo dadka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen abaaraha, fatahaadaha, barakaca iyo cunno yaraanta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa ku amaanay hay’adda WFP kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaadato ka jawaabista xaaladaha degdegga ah iyo dhisidda adkaysiga bulshada Soomaaliyeed, isagoo xusay in taageerada joogtada ah ee la-hawlgalayaasha caalamiga ah ay tahay mid aas-aasi u ah xasilloonida iyo horumarka waara ee dalka.

Dhankiisa, Agaasimaha Barnaamijka Cuntada Adduunka ee Soomaaliya, Mr. Daloom, ayaa xaqiijiyay in WFP ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo sheegay in barnaamijyadooda ay diiradda saarayaan caawinta cuntada, nafaqeynta carruurta dugsiyada, dib-u-soo celinta nolol maalmeedka, iyo dhisidda awoodda bulshada ee adkaysiga cimilo iyo dhaqaale.

Labada dhinac waxay isla qaateen in la dardar-geliyo dadaallada lagu beddelayo kaalmo degdeg ah una guurayo qorshe waara oo lagu dhisayo awoodda bulshada, maadaama Soomaaliya ay wali la tacaaleyso culeysyo ka dhashay isbeddelka cimilada iyo caqabado dhaqaale oo saameynaya malaayiin muwaadiniin ah.

 

Post a Comment

0 Comments