Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu

 Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku qaabilay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya


Mudane Cabdul Salaam Cabdi Cali, Wang Yu.

Sabtidii, Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliya, Mudane C/salaan Cabdi Cali, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Shiinaha u fadhiya Somaliya, Wang Yu.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, kulanka ayaa looga hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii loo ballaarin lahaa xiriirka iskaashi ee dhinacyada kala duwan leh.

Intii uu socday kulanka ayaa danjire Wang waxa uu ugu hambalyeeyay wasiirka xilka wasiirka arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Waxa uu sidoo kale muujiyay sida dalkiisu ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada horumarineed iyo xasilloonida Soomaaliya iyo sii wadida iskaashiga istiraatijiyadeed ee Muqdisho iyo Beijing.


Post a Comment

0 Comments