In la baajiyo kulankii Golaha Shacabka Soomaaliyeed kooram la’aan darteed
Maanta oo Arbaca ah waxaa baaqday kulan ay lahaayeen Golaha Shacabka Soomaaliyeed,kadib markii uu buuxsami waayay kooramkii loo baahnaa in ay ku qabsoomaan kulammada Baarlamaanka.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadam Maxamed Nuur “Madubi” ayaa digniin culus u jeediyay Wakiilada, isagoo kula dar daarmay inay soo xaadiraan fadhiyada soo socda, isagoo tilmaamay in baaqashada soo noq-noqotay ay keeni karto in la marsiiyo tilaabo waafaqsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.
Baaqashada kalfadhiga ayaa ka dambeysay kadib markii ay soo ifbaxday buuq iyo sawaxan uu goluhu ku arkayay mudooyinkii u dambeeyay khilaaf soo kala dhex galay madaxweynahooda Sheekh Aadan Madoobe iyo wakiilo ay ugu hanjabeen in ay mooshin ka keeni doonaan oo la doonayo in kalsoonida lagala noqdo kadib markii lagu eedeeyay in uu ku tuntay dastuurka iyo xeer hoosaadka Golaha.
0 Comments