Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir guddoominayay shirka Golaha Talada Qaranka oo ay ku jiraan hoggaanka dowladda Federaalka

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shir guddoominaya shirka Golaha Talada Qaranka


Xasan Sheekh Maxamuud

Talaadadii, Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa shir-gudoomiyay shirka Golaha Talada Qaranka, oo ay ku jiraan hoggaanka dowladda federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Kulankaan oo warbaahinta rasmiga ah ay ku tilmaantay mid horudhac u ah wada-hadallada qaran ee uu ku baaqay madaxweyne Xasan Sheekh bishii hore, ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre iyo ku xigeenkiisa koowaad Saalix Axmed Jaamac, madaxda dowlad goboleedyada Koonfur-galbeed, C/casiis Xasan Maxamed, Hirshabeelle, Cali Cabdalla Xuseen iyo Galmudug, Axmed Cabdi Kareex, iyo hoggaamiyaha maamulka Khatima, C/qaadir Axmed,Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Caasimadda Muqdisho Maxamed Axmed Caamir, ayaa waxaa shirka qaadacay Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Kulanka ayaa lagu wadaa in looga hadlo xaaladda dalka, hannaanka dalka looga xoreynayo kooxaha argagixisada, dhameystirka dastuurka, isbeddelka dimoqraadiyadda, dib u dhiska ciidamada qalabka sida iyo horumarinta dowladnimada.

Post a Comment

0 Comments