Dowladda Hoose ee Muqdisho ayaa ku dhawaaqday Khasaaraha Naf iyo Maal ee ka dhashay Roobabkii da’ay

 Khasaare naf iyo maalba leh oo ka dhashay roobab mahiigaan ah oo ka da'ay Muqdisho


Muqdisho

Dowladda hoose ee Xamar ayaa shaacisay khasaaraha nafeed iyo midka hantiyeed ee ka dhashay roobabkii da’ay ee caasimadda ka da’ay fiidnimadii Jimcaha, iyadoo daadadkaasi ay sababeen dhimashada toddobo qof oo ay ku jiraan laba haween ah, iyadoo ay sii dheer tahay burburka soo gaaray sagaal guri oo ku yaalla xaafadaha kala duwan ee magaalada.

Warbixinta ay soo saartay dowladda hoose ayaa lagu sheegay in ilaa 200 oo qoys ay ku waxyeeloobeen fatahaada wabiga Shabelle oo ku soo rogmaday degmooyin dhowr ah, kuwaasi oo sababay barakaca dad badan oo shacab ah iyo burbur hantiyeed. Roobabka ayaa sidoo kale burburiyay lix waddo oo muhiim ah, kuwaas oo xannibay isu socodkii caasimadda.

Waxa ay ugu baaqday maamulada dalka ka jira in ay gurmad deg deg ah la soo gaaraan dadka dhibaatadu soo gaartay, waxa ayna balan qaaday in ay ka shaqeyn doonaan sidii loo dayactiri lahaa kaabayaashii burburay si looga fogaado in ay sii xumaato xaalada bini’aadantinimo ee ka jirta magaalada Muqdisho.

Post a Comment

0 Comments