Maamulka G/Banaadir Oo Shaaciyay In Diiwangelinta Codbixiyayaasha Doorashooyinka Deegaanka Ay Bilaabanayso 15-ka Bisha April

 Maamulka Gobolka Banaadir ayaa 15-ka bishan April u mudeeyay in 9-ka degmo ay ka bilaabaneyso diiwaangelinta codbixiyayaasha


Maxamed Axmed Diiriye

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqay in 15-ka bishan April ay ka bilaabaneyso 9-ka degmo ee magaalada Muqdisho diiwaan gelinta codbixiyayaasha doorashooyinka deegaanka, taasoo ah tallaabo muhiim ah oo loo qaaday hirgelinta nidaamka “hal qof iyo hal cod” ee caasimadda.

Sidaasi waxaa yiri guddoomiye ku xigeenka dhanka siyaasadda iyo amniga ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye, wuxuuna ku micneeyay in ka maamul ahaan ay si buuxda ugu diyaar garoobeen fududeynta diiwaan gelinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka.

Diri ayaa intaa ku daray in diyaar garow xooggan uu ka socdo dhammaan 20-ka degmo ee Gobolka Banaadir, si loogu diyaar garoobo qabashada doorashooyinka loo qorsheeyay inay dhacaan bilaha June iyo July ee soo socda, isagoo xusay in “Dadku ay diyaar u yihiin inay doortaan mas’uuliyiin lala xisaabtami karo.

Hadalkaan ayaa imaanaya xili qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo madaxda dowlad goboleedyada Jubaland iyo Puntland ay wali diidan yihiin hanaanka doorashada, iyagoo su’aal galiyay sharci ahaanshaha qabanqaabada doorashada dowladda Federaalka iyadoo aan la gaarin is afgarad siyaasadeed oo dhameystiran.

Post a Comment

0 Comments