Biixi Iman Aghi Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Masuuliyiin Ka Socda Baanka Horumarinta Islaamka

 Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya oo Xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Horumarinta Islaamka


Biixi Iman Aghi

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Biixi Iimaan Aghi ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Mas’uuliyiin ka tirsan Bankiga Horumarinta Islaamka oo booqasho rasmi ah ku yimid Caasimadda Muqdisho.

Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray sidii kor loogu qaadi lahaa wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Bangiga Horumarinta Islaamka, iyadoo sidoo kalena looga hadlay sidii Bankiga uu u taageeri lahaa mashaariicda horumarineed ee dalka ka socda.

Booqashadan ayaa ku soo aadaysa iyadoo dib loo soo celinayo xiriirka Soomaaliya iyo Bankiga Horumarinta Islaamka kadib markii ay Soomaaliya horumar la taaban karo ka gaartay dhimista culeyska deymaha, taasoo u sahashay inay si gaar ah ula shaqeyso hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah iyo kuwa gobolka.

Post a Comment

0 Comments