Dowlad Goboleedka Jubbaland oo digniin culus u dirtay dadka deegaanka ee ku nool ka qeyb galka barnaamijka kaararka aqoonsiga

 Jubaland oo diiday barnaamijka aqoonsiga kaarka federaalka


Jubbaland

Maamulka Jubaland ee koonfurta Soomaaliya ayaa digniin culus u diray shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, kaasi oo looga digay in ay ka qeyb qaataan qaadashada kaadhka aqoonsiga qaranka oo ay gacanta ku hayso hay’adda NIRA.

War saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in wax kasta oo aan la aqbali karin ama laga dhaqan gelin doonin Jubaland hindise kasta oo la’aanta is afgarad iyo heshiis sharci oo dhex mara dowlad goboleedyada iyo federaalka.

Wasaaraddu waxay xaqiijisay in aysan aqoonsaneyn waxa loogu yeero warqadda aqoonsiga, oo aan lahayn nidaam sharci oo la isku raacay. Sidoo kale, hindise sharciyeedka aqoonsiga ayaa lagu tilmaamay mid lagu doonayo in lagu hormariyo ajandayaal siyaasadeed, waxaana lagu booriyay dadka degan deegaanada xiriirka la leh Jubaland in ay si adag u ilaaliyaan shuruucda iyo shuruucda u degsan maamulka Jubaland, kana fogaadaan wax kasta oo keeni kara xasilooni darro.

Waxaa xusid mudan in maamul goboleedka Puntland uu horay u diiday nidaamka aqoonsiga qaran ee dowladda federaalka Soomaaliya, isla markaana ay dhistay hay’ad barbar socota, taasoo keentay in dowladda Soomaaliya ay ku eedeyso madaxweynaha maamulkaasi Saciid Deni inuu caqabad ku yahay shaqada hay’adaha qaranka.



Post a Comment

0 Comments