Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Maamulka Puntland inuu si bareer ah u hor istaagayo habka bixinta kaararka aqoonsiga

 Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Puntland inuu caqabad ku yahay qaadashada kaararka aqoonsiga ee dalka


Siciid Cabdullaahi Deni

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku eedeysay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni in uu si bareer ah u hor istaagay habka bixinta kaararka aqoonsiga ee dalka, isaga oo dhaqan gelinaya nidaam u gaar ah.

Wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ayaa war saxaafadeed ay soo saartay maanta oo Isniin ah ku dhaliishay maamulka Puntland tallaabooyinkii ugu dambeeyay ee uu ku sameeyay warqad aqoonsi oo u gaar ah, iyadoo ku tilmaantay xadgudub sharci iyo mid maamul.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu yiri: “Tallaabada uu qaaday Madaxweynaha Puntland ee ah in la sameeyo warqad kale oo aqoonsi ah waa qalad maamul iyo mid sharciba, waxayna si toos ah u wiiqeysaa hanaanka dowladnimo ee qaranka”.

Talaabadan ayaa Puntland waxa ay ku dhawaaqday dhawaan, iyadoo madaxda maamul goboleedyada ay sheegeen in ay bixinayaan warqado aqoonsi ah, waxaana ku dhawaaqistaasi ay xiisad ka dhex abuurtay dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada.

Mas’uuliyiinta dowladda federaalka ayaa carabka ku adkeeyay in nidaamka aqoonsiga qaran uu ka dhigan yahay aasaaska dowladnimada, amniga iyo adeegyada guud ee Soomaaliya oo dhan, waxaana ay ka digeen in isku dayo kasta oo lagu abuurayo nidaamyo isbarbar socda ay kala dhantaalayaan horumarka dalka uu ku gaarayo dowlad mideysan.

Post a Comment

0 Comments