Guddiga Doorashada Soomaaliya oo muddo kordhin u sameeyay diiwaangelinta Ururrada Siyaasadda
Guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka Soomaaliya ayaa sagaal maalmood oo dheeri ah ku kordhiyay waqtiga diiwaangelinta ururada siyaasadda, taasoo qeyb ka ah u diyaar garowga doorashada ugu horreysa ee deegaanka ee lagu qabanayo nidaamka “hal qof iyo hal cod” muddo ka badan konton sano, taasoo loo qorsheeyay dhammaadka bisha June ee soo socota.
Madaxa Komishanka C/kariim Axmed Xasan oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in wakhtiga cusub ee diwaangelintu bilaabmayso 22-ka ilaa 30-ka April 2025-ka.
Komishanku waxay bayaan rasmi ah ku xaqiijiyeen in muddo kordhintani ay uga golleedahay in fursad loo siiyo dhammaan ururada siyaasadda ee aqoonta u leh inay dhammaystiraan shuruudaha diiwaangelinta iyo in la xaqiijiyo ka qayb-qaadashada cadaalad iyo dhammaystiran ee hannaanka doorashada.
Dhinaca kale, Komishanku waxa uu Caasimadda Muqdisho ka sii wadaa Diwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha oo ay Kumanaan Muwaadiniin ahi qaateen Kaadhadhka Cod-bixinta tan iyo markii ay hawshaasi bilaabantay Toddobaadkii hore.
Diwaan galinta ayaa waxaa ka mid ahaa dhowr degmo oo ka tirsan caasimada, sida Shangani, Hamrouen, iyo Bondheri. Iyadoo ay taasi jirto ayaa hadana waxa uu geeddi-socodku la kulmay dhaleecayn uga imaanayay madaxda mucaaradka iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland, kuwaasi oo muujiyay cabsida ay ka qabaan in dowladda dhexe oo kaliya ay qaadato go’aanno aan la isku raacsanayn oo siyaasadeed.
0 Comments