Kalfadhiga Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhamaaday buuq iyo fowdo

 Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa diiday in la helo soo jeedin ka dhan ah in xasaanada laga qaado wakiil ka tirsan Golaha


Sheekh Aadan Madoobe

Fadhi ay Sabtidii yeesheen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku dhamaaday buuq iyo fowdo kadib markii Guddoomiyaha Baarlamaanka Shiikh Aadan Madoobe uu diiday in la keeno mooshin ka dhan ah go’aankii xasaanada looga qaaday Xildhibaan C/llaahi Xaashi Aviv.

Madobi ayaa soo jeedintaasi ku tilmaamay mid sharci darro ah oo jabineysa xeer hoosaadka Golaha, wuxuuna ku eedeeyay wakiiladii soo jeediyay inay qas ka wadaan shirka, taasoo keentay inuu natiijo la’aan ku dhamaado.

Xildhibaan Saddaam Maxamuud Cabdi ayaa dhankiisa ku eedeeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shiikh Aadan Madoobe in uu ku xadgudbay habraaca Baarlamaanka, isagoo ku andacoonaya in Axmed Madoobe uu ku kacay fal ka baxsan xeer hoosaadka Golaha Shacabka.

Xildhibaanada mucaaradka ah ee hormuudka ka ah qalalaasaha ayaa cambaareeyay tallaabadii xasaanada looga xayuubiyay Aviv, waxayna ku tilmaameen mid siyaasadeysan oo sharci darro ah. Waxa ay ku doodeen in go’aankaasi uu baal marsan yahay xeer hoosaadka baarlamaanka, isla markaana loo qaatay dano shaqsi ama mid siyaasadeed.

Dhacdadan ayaa xaqiijinaysa khilaafka sii xoogaysanaya ee ka dhex aloosan golaha sharci dejinta Soomaaliya marka loo eego kala qaybsanaanta sii kordhaysa ee dalka ka jirta, kuwaas oo saamayn taban ku yeeshay xasiloonida siyaasadda iyo amniga.

Post a Comment

0 Comments