Ra’iisul Wasaaraha oo booqday xarunta diiwaangelinta codbixiyayaasha ee degmada Shangaani
Maanta oo Arbaca ah, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa booqday goobta ay ka socoto diiwaangelinta codbixiyayaasha ee degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho, waxaana ku wehliyey duqa Muqdisho iyo qaar ka mid ah Golaha Wasiirada, si uu ugu kuur galo habsami u socodka diiwaangelinta codbixiyayaasha.
Ra’iisul Wasaaruhu intii uu ku guda jiray kormeerka ayaa bogaadiyay daah-furka diiwaan gelinta, wuxuuna u arkay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday tubta dimuqraadiyadda Soomaaliya.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday inuu doonayo in lagu bedelo nidaamka doorashada dadban ee lagu saleeyay mabda’a 4.5, iyadoo lagu saleynayo hab doorasho oo toos ah oo dammaanad qaadaya ka qeyb galka shacabka.
0 Comments