Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Davos kaga hadlay xoojinta xiriirka Liibiya iyo Malaysia
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shirar heerkiisu sareeyo oo laba geesood ah ku yeeshay magaalada Davos ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka, isagoo caddeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah si loo gaaro horumar iyo barwaaqo.
Madaxweyne Maxamuud ayaa la kulmay Mudane Maxamed Al-Menfi oo ah Guddoomiyaha Golaha Madaxtooyada Liibiya oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Soomaaliya iyo Liibiya. Wada-hadallada ayaa diiradda lagu saaray horumarinta iskaashiga dhinacyada danta guud iyo sii xoojinta xiriirka labada dal.
Kulanka oo ahaa mid gaar ah ayaa Madaxweyne Maxamuud waxa uu la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Malaysia Mudane Anwar Ibrahim oo ay ka wada hadleen sidii loo heli lahaa iskaashi ballaaran. Hogaamiyeyaasha ayaa soo bandhigay waxyaabaha mudnaanta la wadaago oo ay ka mid yihiin ganacsiga, waxbarashada iyo horumar waara, iyagoo carabka ku adkeeyay suurtagalnimada in uu sii xoogeysto xiriirka Soomaaliya iyo Malaysia.
0 Comments