Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ay u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Kenya iyadoo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed
Dowladda Soomaaliya ayaa beenisay in ay u yeertay safiirkeeda u fadhiya dalka Kenya Jibriil Ibraahim Cabdali, waxaana warsaxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ay ku tilmaantay waxa arrintan lagu faafiyay baraha bulshada kuwo been abuur ah.
Wasaaradda arrimaha dibadda ayaa warsaxaafadeedkeeda ku sheegtay in aysan waxba ka jirin wararka sheegaya in safiirka looga yeeray in uu dib ugu soo laabto Muqdisho si uu wadatashi ula sameeyo.
Cadeyntan ayaa ku soo aadeysa iyadoo ay cirka isku sii shareereyso xiisadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya, kadib markii diyaarad laga leeyahay dalka Kenya ay soo gashay hawada Soomaaliya, iyadoo aan fasax laga heysan maamulka hawada Soomaaliya, taasoo keentay in madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe loo qaado magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.
Dowladda Soomaaliya ayaa ka carootay tallaabadii Kenya ay ku jabisay go'doominta ay dowladda Soomaaliya ku soo rogtay madaxweynaha Jubbaland, kaasoo sidoo kale ay dowladdu soo saartay amar lagu soo xirayo, tan iyo markii uu qabtay doorashadii dib ugu soo celisay xukunka bishii November ee lasoo dhaafay, taasoo ay Soomaaliya ku soo rogtay. dawladda lagu tilmaamay mid aan sharci ahayn.
0 Comments