Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dacwad rasmi ah u gudbisay Kenya

 Soomaaliya ayaa dacwad rasmi ah u gudbisay Kenya oo ku saabsan ku xadgudubka hawadeeda


Soomaaliya iyo Kenya

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dacwad rasmi ah u gudbisay Kenya, iyadoo ku eedeysay Kenya inay si aan xaq ahayn ugu soo xadgudubtay hawadeeda.

Arrintan ayaa ka dambeysay markii Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madube) uu gaaray Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya, isagoo ka raacay Diyaarad ay leedahay Shirkadda Diyaaradaha ee Kenya.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Sabtidii ay u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya, Cyprian Kubayi Iringo, si uu ugu wareejiyo cabashada rasmiga ah ee la xiriirta dhacdada.

Dowladda Soomaaliya ayaa ku eedeysay diyaaradda Kenya in ay joojisay howlihii Raadaarka ee ay waday xilli ay Madaxweyne Madoobe ka soo qaaday magaalada Kismaayo kuna socotay Nairobi, taasoo ay u aragtay xad gudub ku ah Qaranimada Soomaaliya.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale dalbatay in la caddeeyo waxa ay ku tilmaantay fududeynta Kenya ee soo gelitaanka “Nin baxsad ah oo ay raadineyso dowladda Soomaaliya” ee dalkeeda.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa khilaaf xooggan kala dhexeeyo dowladda federaalka kadib markii uu dib u doorashadiisa ku guuleystay bishii November 2024.

Dowladda Federaalka ayaa xayiraad ku soo rogtay socdaalkiisa, kaddib markii ay dagaallo gacan ka hadal ah ku dhex-mareen ciidamada Jubbaland iyo kuwa Soomaaliya, kuwaasoo isku haya gacan ku haynta deegaannada qaar. Safarkan ayaa caqabad ku ah xayiraadahaas.

Wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa ugu baaqday dowladda Kenya in ay jawaab ka bixiso eedeymahaas muddo labo maalmood gudahood ah. Warqadda ayaa lagu caddeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay ilaalinta madax-bannaanideeda dhuleed, iyadoo loogu baaqay Kenya inay caddeyso mowqifkeeda ku aaddan dhacdadan.

Maamulka Kenya ayaan weli jawaab rasmi ah ka bixin dibadbaxa Soomaalida.

Post a Comment

0 Comments