Xamza Cabdi Barre oo bogaadiyay ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Barre

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa bogaadiyay howlgallada ka dhanka ah Daacish ee maamul goboleedka Puntland


Xamza Cabdi Barre

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa ku ammaanay ciidamada daraawiishta Puntland ee ku sugan gobolka Barre howlgalkii ballaarnaa ee ay ku cirib tireen kooxda Daacish.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Federaalka ay diyaar u yihiin in Puntland ay ka taageeraan sidii ay ula dagaallami lahaayeen maleeshiyada Daacish.

Waxaa xusid mudan in ciidamada Puntland ay maalmihii lasoo dhaafay wadeen howlgalo ballaaran oo ka dhan ah maleeshiyada, kadib markii ay ku guuleysteen inay dhabarka ka jabiyaan maleeshiyada Daacish, ayna dileen xubno badan oo Ajaanib ah, ayna la wareegeen tuulooyin badan oo ay ku dhuumaaleysanayeen.

Post a Comment

0 Comments