Kolonyo ka kooban 25 baabuur oo sida gargaar bini’aadantinimo ayaa gaaray magaalada “Giire Cali”

 Dowladda Soomaaliya ayaa gargaar bini’aadannimo u dirtay magaalada Giire Cali


Giire Cali

Kolonyo gaadiid ah oo ka kooban 25 gaari oo sida gar-gaar bini’aadinimo ayaa maanta gaaray magaalada “Gari Ceel” ee degmada Galguduud ee maamulka Galmudug, sagaal maalmood kadib markii ay ka ambabaxeen magaalada Muqdisho.

Gargaarka ay soo dirtay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed ayaa waxaa ka mid ah Raashin loogu tala galay dadka tabaaleysan ee ay abaaruhu saameeyeen, iyadoo ay u sii dheer tahay dadka ku nool deegaannadii dhawaan laga saaray maleeshiyada Al-Shabaab ee gobolkaasi.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug, Maamulka Maareynta Musiibooyinka, iyo maamulka magaalada “Gareceel” ayaa kolonyadan ku soo dhaweeyay duleedka magaalada.

Post a Comment

0 Comments