Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa la kulmay Madaxweyne ku xigeenka Kenya si loo xoojiyo xiriirka labada dal
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Danjire Axmed Macalin Faki ayaa maanta oo Arbaca ah garoonka diyaaradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi kulamo kula qaatay Madaxweyne ku xigeenka Kenya Professor Kithuri Kindiki.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal iyo horumarinta iskaashiga gobolka. Faki, oo Nairobi ku soo hakaday markii uu ka soo laabtay howlihii diblumaasiyadeed ee Qaahira, ayaa carrabka ku adkeeyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay horumarinta nabadda, iskaashiga iyo horumarka labada dhinac ee gobolka Bariga Afrika.
War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in wada-hadalladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu sii xoojinayo xiriirka labada dal oo soo jireen ah oo soo jireen ah oo dhanka diblomaasiyadda iyo ganacsiga ah.
Inkastoo dowladda Soomaaliya aysan faah faahin dheeri ah ka bixin, haddana ilo-wareedka ayaa tilmaamaya in waxyaabaha laga wada hadlay ay ka mid ahaayeen doorka ciidamada Kenya ee howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM iyo arrimo kale oo ku saabsan howlgalka cusub.
0 Comments