Isagoo ku dhawaaqay furitaanka diiwaan gelinta ururada siyaasadda Soomaaliya
Guddiga Doorashooyinka Qaranka iyo Xuduudaha Federaalka, ayaa Isniintii ku dhawaaqay furitaanka diiwaan gelinta ururada siyaasadda ka hor doorashooyinka soo socda, taas oo ku dhici doonta nidaamka hal qof iyo hal cod.
Guddoomiyaha guddiga Cabdul Kariim Axmed ayaa xusay in 110-ka hay’adood ee horey isu diiwaangaliyay looga baahan yahay inay buuxiyaan shuruudaha diiwaan-gelinta ee la cusbooneysiiyay, ayna raacaan sharciyada cusub ee doorashada. Isla mar ahaantaana, ururada cusub waa inay sidoo kale raacaan nidaamka diiwaangelinta rasmiga ah.
Abdul Karim wuxuu yiri: "Laga bilaabo Janaayo 20 ilaa Maarso 31, ururada siyaasadeed way isdiiwaangelin karaan. Hay’adaha hore u diiwaan gashanaa wax lacag ah lagama qaadi doono, waxaana la siin doonaa shahaadooyin sida waafaqsan xeerarka cusub.”
Guddigu waxa uu qorshaynayaa in la balaadhiyo helitaanka codbixiyayaasha iyada oo la kordhinayo tirada goobaha codbixinta oo markii hore ahaa 300, kuwaas oo guddigii hore ay hore u cayimeen, lana gaadhsiiyay 800 oo xarumood oo dalka oo dhan ah. Saraakiisha ayaa bilaabi doona calaamadaynta goobahan cusub ee codbixinta toddobaadka soo socda.
Warkan ayaa kusoo beegmaya xili maamul goboleedyada Puntland iyo Jubaland iyo xisbiyada kale ay kasoo horjeesteen barnaamijka doorasho ee ay dejisay dowladda Soomaaliya, waxayna dalbanayaan in marka hore heshiis laga gaaro qaabka ay u dhacayso doorashada Soomaaliya xaaladaha dalka ma ogollaan in cod guud.
0 Comments