Madaxweynaha Soomaaliya oo la kulmay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Masar ayaa kulan la qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta Maxamed Axmed Al-Yamaxi.
Madaxweynaha ayaa Al Yamahi Soomaaliya uga mahadceliyey doorka Baarlamaanka Carabta ay ku garab taagan yihiin Dowladnimada Soomaaliya si ay u ilaaliso midnimadeeda iyo madax banaanideeda, waxaana Baarlamaanka Carabta uu mowqifkan ku soo bandhigay fagaarayaasha gobolka iyo caalamka.
Madaxweynaha ayaa muujiyay sida ay dowladda Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta wada shaqeynta dalka iyo baarlamaanka Carabta, is dhaafsiga khibradaha, iyo mideynta go’aannada heerka Carabta ee arrimaha caalamiga ah.
Dhankiisa, Guddoomiyaha Baarlamaanka Carabta, Maxamed Axmed Al-Yamahi, ayaa bogaadiyay iskaashiga ka dhexeeya Soomaaliya iyo dalalka Carabta ee lagu taageerayo arrimaha Carabta, isagoo sidoo kale bogaadiyay aragtida istiraatijiyadeed ee Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ku aaddan doorashooyinka soo socda, la dagaallanka argagixisada, iyo xoreynta deegaanada ay ku hareen argagixisadu.

0 Comments