Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda Soomaaliya oo Magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta
Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya Danjire Ilyaas Sheekh Cumar Abuubakar ayaa Magaalada Qaahira kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda Carabta Mudane Axmed Aboul Gheit, intii uu socday Shirka 40-aad ee Wasiirada Cadaalada Wadamada Carabta ee ka socda Magaalada Qaahira.
Ilyaas ayaa xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay uga warbixiyay xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya, isagoo tilmaamay in baarlamaanka uu meelmariyay sharciyo suurtagelinaya in doorasho guud la qabto iyo dhismaha guddiga doorashada.
Wasiirka ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay taageerada joogtada ah ee Jaamacadda Carabta ay siiso Soomaaliya, gaar ahaan xilliyada adag, isla markaana ay u baahan yihiin in gacan laga siiyo dagaalka ka dhanka ah argagixisada.
Ilyaas waxa uu carabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Jaamacadda Carabta, waxa uuna kala hadlay qorshayaasha looga faa’ideysanayo khubarada Carabta si loo xoojiyo nidaamka cadaaladda Soomaaliya, loona dhameystiro dastuurka qabyada ah si waafaqsan xeerarka caalamiga ah.
Aboul Gheit ayaa dhankiisa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku talaabsatay, wuxuuna carabka ku adkeeyay in Jaamacadda Carabta ay ka go’an tahay in Soomaaliya laga caawiyo sidii ay u gaari lahayd yoolka ay higsanayso.
Intii uu ku guda jiray booqashadiisa, Elias wuxuu sidoo kale la kulmay wasiirka cadaaladda Masar Adnan Al-Fangari iyo wasiirka arrimaha baarlamaanka Maxamuud Fawzi.
0 Comments