Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka

 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay xubnaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka iyo xuduudaha dalka


Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa fadhi wadajir ah oo ay yeesheen waxa ay ku ansixiyeen dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaranka oo ay ka muuqatay buuq iyo buuq.

Xubnaha guddiga ayaa cod gacan taag ah lagu ansixiyay, iyadoo 169 ka mid ah 175 mudane oo soo xaadiray kalfadhiga ay isku raaceen sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha golaha shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur “Madube”.

Guddigan ayaa ka kooban 18 xubnood, waxayna mas’uul ka noqon doonaan qabanqaabada doorashadii ugu horreysay ee si toos ah dalka uga dhacda muddo ka badan 50-sano.

Post a Comment

0 Comments