Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashada Jubbaland, waxayna ku baaqeen in dacwad lagu soo oogo Axmed Madoobe

 Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay doorashada Jubbaland

Golaha Wasiirada Soomaaliya

Xalay Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa yeeshay kulan aan caadi aheyn oo ay uga hadleen xaalada dowlad goboleedka Jubaland iyo doorashooyinka baarlamaanka iyo madaxweynaha ee sababay in mar saddexaad loo doorto madaxweynaha maamulkaasi Axmed Maxamed Islaam “Madube

Kulanka oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa waxaa laga soo saaray go’aamo, iyadoo sharci darro uu ku tilmaamay soo xulista xildhibaannada baarlamaanka Jubaland iyo doorashadii Axmed Madoobe oo baal marsan sharciga 24-aad ee soo baxay March 2024.

Golaha Wasiirada ayaa shaaca ka qaaday in dhammaan habraaca doorashada Jubbaland ay yihiin kuwa sharci darro ah oo ay ka mid tahay magacaabista guddiga doorashada, taasoo muujineysa in taasi aysan waafaqsaneyn sharciga dalka.

Golaha Wasiirada ayaa ku amray Xeer Ilaaliyaha Qaranka inuu si deg deg ah dacwad uga gudbiyo Maxkamadda Sare ee Soomaaliya. Talaabadan sharciga ah – sida lagu sheegay warbaahinta dowladda – ayaa looga gol leeyahay in wax looga qabto falalka sharci darrada ah ee uu soo abaabulay hoggaamiyihii hore ee Jubbaland, iyo sidii loo xoojin lahaa daacadnimada dowladda ee ku aaddan cadaaladda iyo dowladnimada dastuuriga ah.

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Berri ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda ay leedahay in loo hoggaansamo qodobada sharciga iyo dastuuriga ah ee dalka lagu maamulayo, wuxuuna yiri: “Waxaa naga go’an in sharciga la ilaaliyo. Waxa uu intaa ku daray, "Tallaabooyinka la qaaday waxay ka tarjumayaan go'aankayaga ah inaan taageerno mabaadi'da dimoqraadiyadda iyo in la hubiyo in dhammaan hababka doorashada loo maro si sharciga waafaqsan."

Shirkii aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirada Soomaaliya iyo go’aamadii ay ka soo saareen ayaa jawaab u ah dib u doorashada Madaxweyne Axmed Madoobe oo mar saddexaad lagu doortay magaalada Kismaayo, iyadoo uu jiro khilaaf u dhaxeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka oo ku saabsan doorashadaas.

Post a Comment

0 Comments