Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Jubbaland ayaa Axmed Madoobe dib ugu celiyay markii saddexaad oo uu noqdo Madaxweynaha Maamulka Jubbaland

Axmed Madoobe ayaa mar saddexaad loo doortay madaxweyne


Axmed Madoobe

 Maanta oo Isniin ah Xildhibaanada Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland ee Koofurta Soomaaliya ayaa dib u celiyay Axmed Maxamed Islaam “Madube” oo markii saddexaad loo doortay Madaxtinimada Maamulkaas, inkastoo dowladda Soomaaliya ay kasoo horjeedo doorashadii ka dhacday Jubbaland.

Madoobe ayaa helay 55 cod halka 16 cod uu helay Faysal Maxamed Mataan oo la tartamayay, halka musharaxii kale ee Abubakar Cabdi Xasan uu helay 4 cod oo kaliya.

Axmed Madoobe ayaa ka baxay shirarkii Golaha Talada Qaranka ee bishii October ee la soo dhaafay, wuxuuna diiday natiijadii ka soo baxday, kaasoo lagu ansixiyay in doorasho mideysan ay ka dhacdo dowlad goboleedyada Soomaaliya.

Dowlad goboleedka Hobaland ayaa bilaabay qabashada doorashada maamulkaasi, taasi oo maanta ku soo idlaatay in dib loo doorto Madaxweyne Madoobe oo tan iyo 2013-kii soo maamulayay maamulkaasi.

Post a Comment

0 Comments