Maamulka Jubbaland ayaa ku dhawaaqay in uu hakiyay wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka

 Jubaland Oo Ku Dhawaaqday Inay Joojisay Wadashaqeyntii Ay La Laheyd Dowladda Federaalka


Xasan Sheekh

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa Axadii ku dhowaaqday in ay hakisay wadashaqeyntii kala dhaxeysay dowladda Federaalka, ilaa inta ay ka soo laabaneyso dhaqangelinta dastuurka qaranka, lana ixtiraamo rabitaanka shacabka Jubbaland.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa waxaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka in ay carqaladeyneyso hanaanka doorashada maamulkaasi, iyadoo ay taasi dheer tahay in ay carqaladeyneyso howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda deegaano ka tirsan maamulkaasi.

Tallaabadan ayaa imaanaysa saacado kaddib markii wasaaradda arrimaha gudaha dowladda federaalka ay uga digtay dowlad-goboleedka Jubbaland qabashada doorasho dadban, iyadoo ku baaqday in la dhowro heshiisyadii golaha wadatashiga Qaranka, kaasoo dhigayay lagama maarmaan in la raaco hannaan doorasho oo mideysan oo guud ahaan dalka oo dhan ah.

Post a Comment

0 Comments