Xasan Sheekh ayaa ugu hambalyeeyay madaxweynaha Mareykanka Donald Trump guushii uu ka gaaray doorashadii Mareykanka

 Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu hambalyeeyay Donald Trump guushii uu ka gaaray doorashadii Mareykanka


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee Mareykanka Donald Trump guushii uu ka gaaray doorashadii Mareykanka.

War qoraal ah oo lagu daabacay bartiisa rasmiga ah ee “X” ayuu Madaxweyne Maxamuud ku sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay guusha taariikhiga ah ee uu gaaray Trump, isagoo carabka ku adkeeyay inuu doonayo inuu xoojiyo xiriirka laba geesoodka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Waxaan kugu hambalyeynayaa, Madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Mudane Madaxweyne Donald Trump, guusha taariikhiga ah ee aad ka gaartay doorashada. "Waxaan rajeynayaa inaan sii wadno iskaashiga xooggan iyo iskaashiga ka dhexeeya labadeena dal si kor loogu qaado nabadda, amniga iyo barwaaqada guud."

Post a Comment

0 Comments