Madaxweynaha Soomaaliya oo gaaray magaalada Riyaad si uu uga qeyb galo shir madaxeedka degdega ah ee wadamada Carabta iyo Islaamka
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Riyaad ee caasimadda Boqortooyada Sucuudi Carabiya, si ay uga qeyb galaan shir madaxeedka dalalka Carabta iyo Islaamka oo ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudiga.
Inta uu socdo shir madaxeedkan ayaa waxaa madaxda dalalka Carabta iyo kuwa Islaamka ay ka wadahadli doonaan sidii loo joojin lahaa colaadda iyo xasuuqa lagu hayo shacabka Falastiin iyo Lubnaan iyo sidii gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka Gaza oo ay dhibaato ka soo gaartay dagaaladii sokeeye ee mudada dheer soo socday. sanad ka badan.
Dhanka kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdiga la socda ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan madaxweynayaasha, boqorrada iyo amiirrada ka qeybgalaya shirka, si loo xoojiyo xiriirka Soomaaliya ay la leedahay dalalka Carabta iyo Islaamka.
0 Comments