Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay heshiis la gashay Japan sidii looga cafin lahaa deymo gaaraya 100 milyan oo dollar

 Heshiis ay Soomaaliya iyo Japan ku gaareen in laga cafiyo deymaha lagu leeyahay oo ku kacaya $100 milyan


Bihi Iman Aghi,Ogihara Hiroshi.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dowladda Japan ay heshiis kula gashay in laga cafiyo 100 milyan oo dollar oo deyn ah, todobaad kadib markii dowladda Mareykanka ay ogolaatay in Soomaaliya laga cafiyo in ka badan 1 bilyan oo dollar deyn ah.

Heshiiskan ayaa waxaa magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya u saxiixay wasiirka maaliyadda Soomaaliya, Biixi Iman Aghi iyo ku xigeenka safaaradda Japan ee Nairobi, Ogihara Hiroshi.

Heshiiskan ayaa yimid kadib markii Soomaaliya ay ku guuleysatay in laga cafiyo deymihii lagu lahaa Paris Club bishii March ee sanadkan, taasoo qeyb ka ah dadaallada ay ku horumarineyso xaaladdeeda dhaqaale.

Post a Comment

0 Comments