Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa gargaar bini’aadannimo u dirtay magaalada Baydhabo

 U diraya gargaar Shiinees ah Baydhabo si loo caawiyo qoysaska ay abaaruhu saameeyeen


Baydhabo

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa gargaar bini’aadantinimo u dirtay magaalada Baydhabo ee xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed, si ay taageero ugu fidiyaan qoysaska nugul ee ay saameeyeen dhibaatooyinka bini’aadantinimo.

Gargaarka ay ku deeqday dowladda Shiinaha ayaa isugu jira raashin iyo dawo, waxaana lagu wadaa in la gaarsiiyo qoysas danyar ah oo ku nool magaalada Baydhabo iyo deegaannada hoos yimaada.

Gargaarkan ayaa ku soo beegmaya xilli gobolka ay ka jirto abaartii ugu darneyd ee soo marta muddo tobanaan sano ah, taasoo sii kordhisay cunno yarida. Gargaarka ayaa waxaa lagu daabulay afar diyaaradood oo ay ku raran yihiin sahay bani'aadanimo oo lagama maarmaan ah.

Post a Comment

0 Comments