Xasan Sheekh ayaa qaabilay Mithqal Mohammed, ergeyga gaarka ah ee Boqorka Morocco Mohammed VI

 Madaxweynaha Soomaaliya oo qaabilay Ergeyga Gaarka ah ee Boqorka Marooko


Xasan Sheekh

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Mithqal Maxamed oo ah ergeyga gaarka ah ee Boqorka Marooko Mohammed VI.

Intii uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay sidii loo horumarin lahaa xiriirka iskaashi ee labada dal ee Soomaaliya iyo Morocco, iyadoo diiradda lagu saaray danaha guud iyo hiigsiga iskaashiga.

Booqashada Ergeyga ee Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Morocco ay ka go’an tahay sii xoojinta xiriirka ay la leedahay Soomaaliya, isagoo Madaxweynaha Soomaaliya gaarsiiyay dhambaal uu ka siday Boqorka Morocco Mohammed VI.

Post a Comment

0 Comments