Xamza Cabdi oo daah furay xarunta ugu weyn ee xaaladaha degdega ah iyo dhaawacyada dalka

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo xariga ka jaray xarunta ugu weyn ee gurmadka iyo dhaawacyada


Xamza Cabdi

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maanta oo talaado ah xariga ka jaray xaruntii ugu weyneyd ee xaaladaha degdega ah iyo dhaawacyada ka soo gaartay Isbitaalka Magaalada Muqdisho, si loo horumariyo daryeelka caafimaadka Qaranka.

Xaruntan casriga ah, oo qaadi karta ilaa 200 oo bukaan markiiba, waxa ku jira unugyo u gaar ah daryeelka bukaanka, daawaynta degdega ah iyo umusha.

Xaruntan cusub ayaa la filayaa inay kaalin muhiim ah ka qaadato gurmadka, gaar ahaan askarta iyo shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen iskahorimaadyada joogtada ah ee kooxaha hubeysan.

Xaruntan ayaa waxaa lagu maalgeliyay deeqo ka timid shacabka Soomaaliyeed, kadib qarixii khasaaraha badan dhaliyay ee Zobe II October 2022, kaasoo galaaftay nolosha in ka badan 100 qof.

Guddiga Gurmadka Qaran ayaa hormuud ka ahaa hindisahan oo ay iska kaashadeen wasaaradaha dowladda dhexe, hay’adda maareynta musiibooyinka Soomaaliya iyo ururada bulshada rayidka ah ee deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Barre ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay dowladda inay ballaariso kaabayaasha daryeelka caafimaadka ee Soomaaliya, isagoo muujiyay mashaariic dheeri ah oo dhowaanahan, oo ay ku jiraan xarun lagu keydiyo dhiigga, qeybta gurmadka degdegga ah, iyo xarumo caafimaad oo badan.

Barre ayaa xaqiijiyay in maamulkiisa ay ka go’an tahay dhameystirka dhismaha iyo qalabeynta isbitaalka ugu weyn dalka si loo xaqiijiyo adeeg caafimaad oo dhameystiran oo ay helaan shacabka Soomaaliyeed.

Post a Comment

0 Comments