Baarlamaanka Soomaaliya ayaa isku raacay in kalfadhiga hadda socda lagu kordhiyo muddo hal bil ah

 Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kalfadhigiisa u kordhiyey si loo dardargeliyo sharciyada doorashada


Baarlamaanka Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya oo labada gole isugu jira ayaa maanta isku raacay in kalfadhiga uu socdo muddo bil ah lagu kordhiyo, iyadoo laga jawaabayo codsigii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa in dib loo dhigo fasaxa Xildhibaanada, si loo wajaho sharciyo doorasho oo deg deg ah.

6-da bisha November ayuu qorshuhu ahaa in baarlamaanka uu billaabo fasaxiisa, balse kalfadhiga hadda socda ayaa socon doona ilaa horraanta bisha December.

Khudbad uu Madaxweyne Maxamuud ka hor jeediyay Baarlamaanka ayuu kaga hadlay arrimo badan, isagoo carabka ku adkeeyay in loo baahan yahay in dib u eegis lagu sameeyo, lana ansixiyo sharciyada iyo heshiisyada asaasiga ah ee u baahan ansixinta Baarlamaanka.

Waxaa xusid mudan in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya iyo qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada ay dhawaan ku heshiiyeen in markii ugu horeysay muddo lixdan sano ah la qabto doorasho toos ah oo heer federaal iyo heer dowlad goboleed ah.


Post a Comment

0 Comments