Qarax Miino ayaa ka dhacay deegaanka Al-Jumhuuriya ee degmada Kaaraan

 Ugu yaraan 5 qof ayaa ku dhimatay qarax ka dhacay magaalada Muqdisho


Caasimada Muqdisho

Qarax miino ayaa maanta oo Sabti ah waxa uu ka dhacay deegaanka Jumhuuriya ee degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ay ku dhinteen ugu yaraan 5 qof, qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Ilo deegaanka ah ayaa ku waramaya in qaraxa oo loo maleynayo inuu ka dhashay miino dhulka lagu aasay, lala eegtay goob lagu shaaho oo ku taalla agagaarka goobta uu qaraxa ka dhacay.

Ciidamada Nabad Suggida oo isugu jira Boolis, Nabad Sugid iyo Nabad Suggida, ayaa goobta soo gaaray qaraxa ka dib.


Post a Comment

0 Comments