Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa ansixiyay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan
Golaha Shacabka Soomaaliyeed ayaa arbacadii ansixiyay Axdiga Qaramada Midoobay ee ka dhanka ah dambiyada abaabulan ee kumeel gaarka ah iyo hab-maamuuska ku lifaaqan.
Go’aanka ayaa ogolaaday 138 wakiil, halka labo ay ka soo horjeesteen, saddexna ay ka aamuseen, sida lagu sheegay qoraal uu soo saaray goluhu.
Qaraarkan ayaa la filayaa inuu xoojiyo iskaashiga Qaramada Midoobay iyo dalalka kale ee xubnaha ka ah ka hortagga dembiyada abaabulan, ka qayb qaadashada abuurista jawi ammaan ah muwaadiniinta iyo xoojinta dadaallada caalamiga ah ee lagula dagaallamayo fal-dembiyeedka xudduudaha isaga gudba, sida tahriibinta dadka, tahriibinta daroogada iyo argagixisada.
0 Comments