Xamza Cabdi ayaa kulan la qaatay Atul Khare, oo ah ku-xigeenka xog-hayaha guud ee taageerada hawlgallada ee Qaramada Midoobay

 Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la kulmay mas’uul ka tirsan Qaramada Midoobay oo uu kala hadlay sidii looga gudbi lahaa amniga dalka


Xamza Cabdi

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Atul Kahari oo ah ku-xigeenka xog-hayaha guud ee taageerada howlgallada ee Qaramada Midoobay, waxaana kulanka diiradda lagu saaray isbedellada amniga ee dalka.

Wadahadallada ayaa xoogga lagu saaray dadaallada iskaashi ee lala yeelanayo Midowga Afrika, Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ee caalamiga ah ee ku aaddan howlgalka ku meel gaarka ah ee Midowga Afrika kadib, oo hadda loo yaqaan AUSSOM.

Ra’iisul Wasaare Berri ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in la kordhiyo taageerada Qaramada Midoobay si loo xoojiyo awoodaha ammaanka ee Soomaaliya. Wada-hadallada waxaa ka mid ahaa xeeladaha lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo qaab dhismeedka guud ee amniga ka dib Howlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Kahari ayaa bogaadiyay doorka Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee 2025-2026, isagoo rajo ka muujiyay in Soomaaliya ay sii kordheyso saameynta ay ku leedahay horumarinta nabadda gobolka iyo tan caalamka, waxaana wada-hadalku uu muujiyay sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta hannaanka amniga iyo iskaashiga caalamiga ah. marka la eego marxaladan xasaasiga ah.

Kulanka ayaa waxaa lagu nuux-nuux saday habka firfircoon ee ay Soomaaliya ula dhaqanto hay’adaha caalamiga ah sida Qaramada Midoobay si loo xaqiijiyo kala-guurka fudud ee mas’uuliyadda amniga, iyadoo ujeedadu tahay in la dhiso dowlad xasilloon oo ammaan ah.

Wada-hadallada ayaa sidoo kale taabtay taageerada ballaaran ee caalamiga ah ee loo baahan yahay in lagu caawiyo Soomaaliya si ay u gaarto yoolalkaas, taasoo muujinaysa xilliga isbeddelka iyo iskaashiga dhow ee arrimaha amniga.

Post a Comment

0 Comments