Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti

 Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaaray Jabuuti


Xasan Sheekh Maxamuud

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay dalka Jabuuti, taasoo qeyb ka ah booqashooyin uu ku marayo dalal ka tirsan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Jabuuti C/qaadir Kaamil Maxamed iyo mas’uuliyiin kale ayaa si diiran u qaabilay Madaxweynaha iyo wafdiga la socday.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in uu kulan la qaato Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay ka wadahadli doonaan xoojinta xiriirka labada dal iyo daba galka danaha guud ee labada dal.

Post a Comment

0 Comments